...

Sullamu Towfiiq

Sullamu Towfiiq (سُلَّمُ التوفيق إلى محبة الله على التحقيق) waa kitaab uu qoray faqihiga Shaaficiga ah Abdallah al-Turaymi (1191-1272H).

Kitaabkan waa Mukhtasar oo ay ku jiraan aasaaska ugu muhiimsan ee cilmiga diinta, kuwaasoo qof Muslim ah aan looga baahnayn in uu jahli ka noqdo. Waxa uu xambaarsan yahay asluub iyo farac ka mid ah shareecada Islaamka, taasoo ka dhigaysa mid ku habboon barashada diinta si dhakhso ah, gaar ahaan xilligan oo dadku aad mashquul ugu badan yihiin.

Sidoo kale, kitaabku waxa uu xambaarsan yahay qayb ka mid ah cilmiga tazkiyatul-nafs (daahirinta iyo wanaajinta nafta). Waxaa lagu sharraxay laba arrimood oo waaweyn:

  1. التخلية – Ka fogaanshaha sifooyinka xun-xun.
  2. التحلية – Ku sifoobidda dabeecadaha wanaagsan.

Halkaan ku dhufo si aad ula dagtid kitaabka oo PDF ah Download PDF

Kitaabka oo dhan

Kitaabo Kale