Oogida iyo Ilaalinta Salaada

Posted on July 12, 2024 by Sh. Mohamed Wali
...

Maqaalkan maanta wuxuu ku saabsan yahay waajibka ah in la oogo salaadaha shanta ah lana ilaaliyo.
Allaha Sareeya wuxuu kitaabkiisa cad ku leeyahay:

وَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ وَارْكَعُوا مَعَ الرَّاكِعِينَ
“Oo salaadda oogga, zakadana bixiya, oo la rukuuca kuwa rukuuca.”
[Al-Baqarah: 43]

Aayado badan oo Qur’aanka ka mid ah ayuu Alle ku amraya in salaadda la oogo, taasina waxay daliil u tahay weynideeda iyo muhiimadeeda maadaama salaaddu tahay tiirka Islaamka. 

Sida uu Nebigu ﷺ yiri:

"Madaxa arrintu waa Islaamka, tiirkeeduna waa salaadda, meesha ugu saresana waa jihaadka jidka Alle."

Waxaa kaloo uu yiri ﷺ:

"Waxa ugu horreeya ee addoonka lagula xisaabtami doono waa salaadda, haddii ay saxnaato wuu liibaanay, haddii ay xumaato wuu khasaaray."

Salaaddu waa arrin weyn oo qiimaheedu sareeyo, waana faral aad ugu muhiimsan kaddib labada kalimadood ee shahaadada. Alle wuxuu si joogto ah ugu celceliyey aayadaha Qur’aanka si uu u xoojiya muhiimadeeda uguna dhiirrigeliyo ummadda Muslimiinta iney si hagar la’aan ah u gutaan.

Wuxuu yiri:

حَافِظُوا عَلَى الصَّلَوَاتِ وَالصَّلَاةِ الْوُسْطَى وَقُومُوا لِلَّهِ قَانِتِينَ
“Salaadaha ilaaliya, gaar ahaan salaadda dhexe, oo u taagnaada Alle adinkoo khushuucsan.” 
[Al-Baqarah: 238]

Sidoo kale Alle wuxuu yiri:

وَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ
“Salaadda oogga, zakadana bixiya, Rasuulkana adeeca si aad u heshaan naxariista.”
[An-Nuur: 56]

Wuxuu ammaanay kuwa salaadda ilaaliya oo khushuuca, wuxuuna ka dhigay astaamo lagu garto mu’miniinta Jannada loogu yaboohay:

قَدْ أَفْلَحَ الْمُؤْمِنُونَ ۝ الَّذِينَ هُمْ فِي صَلَاتِهِمْ خَاشِعُونَ
“Waa liibaanay mu’miniinta. Kuwa salaadooda ku khushuuca.”
[Al-Mu’minuun: 1–2]

Markaas wuxuu xusay sifado wanaagsan oo mu’miniin ah, isagoo kusoo gunaanaday:

وَالَّذِينَ هُمْ عَلَى صَلَوَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ ۝ أُولَئِكَ هُمُ الْوَارِثُونَ ۝ الَّذِينَ يَرِثُونَ الْفِرْدَوْسَ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
“Kuwa salaadooda ilaaliya, kuwaas ayaa ah dhaxlayaal, waxay dhaxlayaan Firdowsa waxayna ku waarayaan dhexdeeda.”
[Al-Mu’minuun: 9–11]

Sidoo kale wuxuu yiri:

إِنَّ الْإِنْسَانَ خُلِقَ هَلُوعًا ۝ إِذَا مَسَّهُ الشَّرُّ جَزُوعًا ۝ وَإِذَا مَسَّهُ الْخَيْرُ مَنُوعًا ۝ إِلَّا الْمُصَلِّينَ ۝ الَّذِينَ هُمْ عَلَى صَلَاتِهِمْ دَائِمُونَ
“Bani’aadamka waa la abuuray isagoo cabsi badan. Marka dhib gaadho wuu qayliyaa, marka kheyr la siiyana wuu caga jiidaa. Marka laga reebo kuwa salaadda tukada, kuwa joogteeya salaaddooda.”
[Al-Ma’aarij: 19–23]

Markaas ayuu Alle kusoo gabagabeeyey:

وَالَّذِينَ هُمْ عَلَى صَلَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ ۝ أُولَئِكَ فِي جَنَّاتٍ مُكْرَمُونَ
“Kuwa salaadooda ilaaliya, kuwaasna waxay ku jiraan jannooyin iyago la sharfay.”
[Al-Ma’aarij: 34–35]

Waxaa taas ka muuqata in salaaddu tahay waajib aad u weyn. Kuwa daryeela, khushuuc ku tukada, wakhtiyadeeda dhowra, waxay leeyihiin darajo sare iyo abaal weyn maalinta Qiyaamaha.

Waa muhiim adiga walaalkeyga iyo walaashayda in aad salaadda xajisaan, waayo waa tiir kamid ah tiirarka diinta. Waa shayga ugu horreeya ee lagugu xisaabinayo maalinta Qiyaame. 

Rasuulka ﷺ wuxuu yiri:

"Axdiga naga dhexeeya iyaga waa salaadda, qofkii ka tagaana wuu gaaloobay."

Sidoo kale wuxuu yiri:

"Waxa u dhexeeya ninka iyo gaalnimo iyo shirk wa in uu salaadda ka tago."

Halkan "ninka" ma aha mid ragga lagu kooban yahay ee waa hadal guud oo lab iyo dhedigba khuseeya. Qof kasta oo Muslim ah waxaa waajib ku ah in uu salaadda oogo — ha ahaado nin ama naag. Diintu way wada khusayso labada jinsiba, ilaa uu daliil caddaynaya in uu si gaar ah mid u khuseeyo yimaado.

Alle wuxuu noo abuuray inaan caabudno, wuxuuna noo soo diray rusul si ay u caddeeyaan xaqa iyo sababta loo abuuray, sida uu sheegay:

وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنْسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ
“Ma aan abuuran jinniga iyo insiga mooyee inay i caabudaan mooyee.” 
[Adh-Dhaariyaat: 56]

Caabudidda Alle waa in loo hogaansamo amarkiisa, loona huro dadaal, lana iska ilaaliyo wixii uu reebay. Tusaalaha ugu weyn ee cibaadada waa salaadda. Waa tiirka ugu weyn marka laga reebo shahaadooyinka.

Muslimiinta rag iyo dumarba waxaa waajib ku ah inay oogaaan salaadaha shanta ah: Subax, Duhur, Casar, Maqrib iyo Cishaa — wakhtigooda la ilaaliyo.

Subaxdu waa laba rakco oo la tukado ka hor qorrax soo baxa, waxaana sunnah ah in laba rakco oo hor leh laga hormariyo. Duhur waa afar rakco, sidaas oo kale Casar iyo Cishaa. Maqrib waa saddex rakco. Haddii safar lagu jiro, Duhur, Casar iyo Cishaa waxay noqdaan laba rakco.

Nebi Muxamed ﷺ wuxuu yiri:

"Qofka waalaga dhaafaa dambiyada haddii uu ilaaliyo shanta salaadood wakhtigooda oo kalsooni iyo khushuuc ku tukado."

Wuxuu tusaale u soo qaatay in salaaddu tahay sida qof maalin kasta shan jeer ku qubaysta wabiga; 

Nabiga ﷺ  wuxuu yiri:

"Ma waxa ka hadhayaa wasakh?" Sahabadu waxay yiraahdeen: "Maya, Rasuulkii Allow." Wuxuu yiri: "Sidaas bay salaaduhu u tirtiraa dambiyada."

Adigoo salaadda dhowraaya waxaad leedahay faa’iido weyn, dembi dhaaf, kor u qaadis darajo, iyo ka badbaadinta naarta. 

Rasuulku ﷺ wuxuu yiri:

"Qofkii maqla adinka salaadda oo uusan iman, salaad ma leh haddii uusan lahayn cudur."

Nin indho la’ ah ayaa waydiiyey: "Rasuulkii Allow, waxaan ahay nin aan arag, meel fogna degan, qofna ma i qaado. Ma fasax baad i siineysaa in aan gurigayga ku tukado?" Wuxuu yiri: "Ma maqashaa adinka?" Wuxuu yiri: "Haa." Wuxuu ku yiri: "Ka jawaab (tag masaajidka)." Wuxuu intaas ku daray: "Kuma siin karo fasax."

Marka haddii ninka indha la’ yahay, meel fog degan, oo aan cid hageysa lahayn uusan helin fasax, sidee bay u tahay qof caafimaad qaba, meel dhow daggan? Waa waajib inuu jamaacada la tukado.

Nebi Muxamed ﷺ wuxuu kaloo yiri:

"Qofkii ilaaliya salaadda, waxay u tahay nuur, daliil, iyo badbaado maalinta Qiyaamaha. Qofkii aan ilaashan, uma ahaanayso nuur, daliil iyo badbaado, wuxuuna la jiri doonaa Fircown, Haamaan, Qaaruun iyo Ubay bin Khalaf."

Culimada qaar waxay yiraahdeen: Qofka salaadda dayaca sabab shaqo, wuxuu la mid yahay Fircown. Haddii uu wasiir yahay sida Haamaan. Haddii maal iyo hanti ay mashquuliyeen sida Qaaruun. Haddii ganacsi iyo macaamil ah sida Ubay bin Khalaf.

Allaha naga dhigo kuwa salaadda dhowra, si joogto ah u tukada, khushuuc ku leh, Jannada Firdowsana ku mutaysta. Aamiin.