Fadliga Maalinta Carafo iyo Soonkeeda.

Naxariista Eebbe ee adoomadiisa u galay waxa kamid ah inaw wakhtiyada ukala duway oo uu waqtiyo gaar ah u yeelay fadli dheeraad ah iyo ajar badan, si ay dadku ugu dadaalaan wanaagga, u siyaadiyaan dadaalkooda, uguna tartamaan khayrka.
Allaah wuxuu yiri:
وَهُوَ ٱلَّذِى جَعَلَ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ خِلْفَةًۭ لِّمَنْ أَرَادَ أَن يَذَّكَّرَ أَوْ أَرَادَ شُكُورًۭا
الفرقان : 62
“Waa Eebaha ka dhigay habeenka iyo maalinta isu beddelasho, qofkii doonaya in uu xasuusto ama u mahadnaqo.” (Al-Furqaan: 62)
Waqtiyadaas waxaa ka mid ah tobanka maalmood ee bisha Du’l-Xijjah ugu horeeya, kuwaas oo leh fadli iyo sifooyin gaar ah, gaar ahaan maalinta Carafo - waana maalin leh sharaf iyo ajar farabadan.
Fadliga maalinta Carafa:
1. Waa Maalinti Diinta la dhameystiray oo Nimcada lagu dhamaystiray:
Waxaa ku sugan saxiixaynka (Bukhari & Muslim):
Cumar Ibn Al-Khattaab (RC) wuxuu yiri: Nin Yuhuudi ah ayaa igu yiri: “Amiiral Mu’miniinow, Aayad idiinku jirta kitaabkiinna, haddii ay nagu soo degi lahayd anaga Yuhuud ahaan, maalintaas waxaan ka dhigi lahayn ciid.”
Cumar wuxuu yiri: “Waa tee Aayadda?”
Wuxuu yiri:
ٱلۡيَوۡمَ أَكۡمَلۡتُ لَكُمۡ دِينَكُمۡ وَأَتۡمَمۡتُ عَلَيۡكُمۡ نِعۡمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ ٱلۡإِسۡلَـٰمَ دِينٗا
المائدة : 3
“Maanta waxaan idiin dhammaystiray diintiinnii, waxaan idiin dhammeeyay nimcadaydii, waxaana idinka raalli ku noqday Islaamka diin ahaan.” (Al-Maa'idah: 3)
Cumar wuxuu yiri: “Waan ognahay maalinta ay soo dagtay, waxay ahayd maalin Jimce ah, Nabi Muxammad ﷺ-na wuxuu taagnaa Carafa.”
2. Waa Maalin Ciid ah oo loogu talagalay dadka jooga Carafa:
Nebi Muxammad ﷺ wuxuu yiri:
“Maalinta Carafa, Maalinta Naxriga (Ciidul Adxaa), iyo maalmaha Tashriiqda waa ciiddeenna dadkena muslimka ah, waana maalmo cunto iyo cabbid”
Waxaa kaloo la wariyay in Cumar (RC) uu yiri: “Aayadda {اليوم أكملت} waxay ku soo dagtay Maalin Jimce ah iyo Maalinta Carafa labadaba — waana ciideenna.”
3. Waa Maalin Alle ku dhaartay:
Alle wuxuu yiri:
وَشَاهِدٍۭ وَمَشْهُودٍۢ
Nebi Muxammad ﷺ wuxuu yiri:
“Maalinta la isku yaboohay waa Qiyaamaha, Mash-huud-na waa Carafa, Shaahid na waa Jimce.”
(Tirmidi)
Wuxuu kaloo Alle ku dhaartay:
وَٱلشَّفْعِ وَٱلْوَتْرِ
“Iyo Tirada siman iyo tan is dheer”
Ibn Cabaas wuxuu yiri: “Tirada siman waa maalinta Ciidda, Tirada is dheerna waa maalinta Carafa.”
4. Soonka Maalinta Carafa waxaa lagu dhaafa dambiga laba sano:
Abu Qataada (RC) wuxuu weriyay:
Nebi Muxammad ﷺ waxaa la waydiiyay soonka maalinta Carafa. Wuxuu ku jawaabay:
“Waa mid dambi dhaaf u ah sanaddii tagtay iyo tan soo socota.”
(Muslim)
Laakiin tan waxaa lola jeedaa cid aan xajineyn; xujeydu kuma habboona in ay soomaan maalinta Carafa, maadaama Nebigu ﷺ uu ka tagay soonkeeda, xattaa waxaa la wariyay inaw ka reebay.
5. Waa mid kamid ah tobanka maalmood ee Alle ku dhaartay:
Alle wuxuu yiri:
وَلَيَالٍ عَشْرٍ
“Iyo habeenno toban ah.”
Ibn Cabaas wuxuu yiri: “Tobankaas waa tobanka hore ee Dul-Xijjah.”
6. Waa Maalmaha la magacaabay ee Qur’aanka lagu sheegay:
Alle SWT waxaw yiri:
لِّيَشْهَدُو مَنَـٰفِعَ لَهُمْ وَيَذْكُرُو ٱسْمَ ٱللَّهِ فِىٓ أَيَّامٍۢ مَّعْلُومَـٰتٍ
“Si ay uga faa’iideystaan waxyaabaha faa’iidada leh oo ay xusaan magaca Alle maalmo la yaqaanno.”
Ibn Cabaas wuxuu yiri: “Maalmahaas la yaqaanno waa tobanka Dul-Xijjah.”
7. Waa maalin Allaah ka qaaday ballan faracii Aadam:
Allaah wuxuu ka qaaday ballan Aadam, Carafa gudaheeda, wuxuuna yidhi: (أَلَسْتُ بِرَبِّكُمْ قَالُوا۟ بَلَىٰ)، oo micnaheedu yahay: ‘Miyaan ahayn Rabbigiinna?’ Wayna yiraahdeen: ‘Haa!’
8. Waa maalin dambi dhaaf iyo ka xoreynta naarta:
Nebi Muxammad ﷺ wuxuu yiri:
“Ma jiro maalin Alle ka xorayn badan yahay naarta addoomo badan sida maalinta Carafa.”
(Muslim)
Wuxuu kaloo yiri:
“Alle wuxuu u faanaa malaa'igta habeenka Carafa isagoo leh: Eega addoomadayda, waxay i yimaadeen iyagoo cabsanaya, dhooban oo boodhaysan.”
9. Waa Ciid guud ahaan ummadda Muslimiinta:
Nebi Muxammad ﷺ wuxuu yiri:
“Maalinta Carafa, Maalinta Naxriga, iyo maalmaha Mina waa ciiddeenna Muslimiinta.”
(Abu Daawuud )
10. Ducada maalinta Carafa waa mid aad u weyn:
Nebi Muxammad ﷺ wuxuu yiri:
“Ducada ugu kheyr badan waa ducada maalinta Carafa, waxaanna ku celcelin jiray:
(لَا إِلَـٰهَ إِلَّا ٱللّٰهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ لَهُ ٱلْمُلْكُ وَلَهُ ٱلْـحَمْدُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ)”
(Tirmidi)
11. Takbiirka:
Culimada waxay sheegeen in takbiirka loo qeybin karo labo:
- Takbiir Guud (Mutlaq): Laga bilaabo maalinta koowaad ee Dul-Xijjah ilaa dhammaadka maalmaha Tashriiqda, wakhti kasta.
Ibn Cumar iyo Abu Hurayra (RC) waxay tagi jireen suuqyada, iyagoo takbiirinaya si dadka kale u xusuusiyan takbiirka.
- Takbiir Gaar ah (Muqayad): Ka bilaabma salaadda subax ee maalinta Carafa ilaa dhammaadka maalmaha Tashriiq (13ka Dul-Xijjah) kadib salaadaha fardiga ah.
Ibn Xajar wuxuu yiri: “Kuma sugnayn hadal toos ah oo ka yimid Nebiga ﷺ ee tan waxaa laga qaatay asxaabti Nabiga sida Cali iyo Ibn Mascuud. (RC)”
12. Carafa waa tiirka ugu weyn ee Xajka:
Nebi Muxammad ﷺ wuxuu yiri:
“Xajku waa Carafa.”
(Bukhari & Muslim)
Intaasi wa qayb kamid ah fadliga maalinta Carafo iyo dhamaan tobanka maalmood, kheyrkuna ma aha mid la soo koobi karo. Sidaa daraaded, waxaa la gudboon qofkii ilaahay waafajiyo inaw mudnaan gaar ah siiyo, kana sii jeesto aduunyada iyo ku mashquulkeeda. Ilaahay hanaga dhigo kuwii laga aqbalo. Ameen.